|
Baydhabo,(insidesomlaia.org)- Ra,isul Wasaaraha Somaliya Nuur Xasan Xuseen Cade ayaa ku fekersan qaabkii uu u badali lahaa boosaska 10 wasiir oo kamid ahaa golihiisa, kuwaasi oo hore isku casilay, iyadoona Baarlamanka si buuxda uu u diiday in xilalkoodii lagu soo celiyo.
Xafiiska Ra,isul Wasaaraha ayaa laga dareemay dhaq dhaqaaq xoogan oo lagu abaabulayo qaabkii mudanayaal kale lagu magacaabi laha xilakii ay baneeyeen Wasiiradaasi, iyadoona mudanayaasha Baarlamanka ku jira qaarkood ay soo hanqal taagayaan in xilkaasi loo magacaabo.
Golaha Baarlamanka Soomaaliya ayaa cod uu u qaaday soo celinta wasiiradaasi iyo in kale, waxaana mudanayashu si aqlabiyad leh ku diideen in xubnaha wasirada ee iska casilay xilalkooda ay dib u qabtaan jagooyinkoodii.
Xubno fara badan oo wasiro ahaa isla markaana sheegay in ay isku casileen ayaa xilkoodii ayaa hada waxaa lagu heshiiyey in xilkooda dib loogu celiyo,kadib markii ay heshiis wada saxiixdeen Madaxweynaha iyo Ra,isul Wasaaraha.
Heshiiska ay Madaxdan gaartey ayaa waxaa muuqata in uu kasoo laabtey qodobka ah in wasiirada booskoodii dib loogu celiyo, taasi oo sida lasheegayo uu go'aan ku gaarey Baarlamanka Soomaaliya, waxaana meel maray olole ay wadaan mudanayashii wasiirnimada ka waayay xukuumada Cade.
|